Xalay fiidkii ayaa Kooxo hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen Saldhigga Bartamaha Boosaaso oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland,waxana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.
Weerarka ayaa Dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu marka hore ku bilaawday bambaanooyinka Gacanta laga tuuro is la markaana ay xigtay rasaas farabadan oo ay isku ridayeen kooxihii soo weeraray iyo ciidamada Puntland.
In kastoo Maamulka Puntland uusan weli sirsmi ah dagaalkaas u faah faahin ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen laba Askari iyo taliye ku xigeenka Saldhiga Bartamaha Axmed Maxamed Cali Sanweyne.
Xiligii uu weerarka socday ayaa Ciidamada Puntland waxa ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen ilaa 4 ruux kuwaas oo Saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen in looga shakiyay in ay qeyb ka ahaayeen weerarkaas isla markaana haatan ay baaritaano ku hayaan.
Mudo kooban kadib Guud ahaan amniga Boosaaso iyo hareeraha Xaafadaha ku dhaw dhaw Saldhiga waxaa la wareegay ciidamada Puntland kuwaas oo amniga si weyn u xaqiijinayay.
Wararkii u dambeeyay ee saakay nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay howlgal ka wadaan Xaafada ku teedsan Saldhiga Bartamaha balse jawiga kale ee Boosaaso uu yahay mid caadi ah.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf  ayaa si kooban dagaalkaas uga hadlay wax yar ka hor xiligii uu weerarka dhacay.