Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku xiray Shirka dib u hesiisiinta Galmudug,kaasi oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka socday.
Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ka soo qeyb galay ergo matalaysey dadka reer Galmudug oo ka kala yimid dhammaan degaannada Galmudug ay ka koobantahay iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay tiradoodu gaareysey720 xubnood.
Inta uu socday ayaa waxaa dib u heshiisiin loo sameeyay Ergadii kasoo geybgashay Shirka,isla markaana waxaa intaas kadib laga tashaday sidi loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo dhan yahay.
Ugu dambeyntii Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 7 qodobo,waxaana Warbaabhinta u Akhriyay Mas’uul kla tirsan Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Dib-u-Heshiisiinta Galmudug.
Hoos ka Dhageyso Codka.