In ka badan labo todobaad Koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka maqan  Internet-ka oo muhiim u ah howlo badan oo Nolosha ka mid ah islamarkaana dad badan shaqadoodu ay ku xirnayd.
Maalinba maalinta ka dambeysa dadka ayaa isweydiinayay waqtiga rasmiga ah oo uu imaanayo qadka Internet-ka oo ay baahi weyn u qabaan, balse waxaa hada soo baxaya in ay jirto rajo ah in Maalmo kadib la hagaajinayo Qadka Internet-ka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Markabkii sameyn lahaa Internet-ka uu yimid shalay islamarkaana uu ka bilaabay howsha halka uu ka soo leexdo Qadka Internet-ka lana filayo in Maalinta Jimcaha ah uu soo gaaro meel dhowr KM,u jirta Xarunta Xalane islamarkaana uu ka howlgelli doono.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ugu dambeyn la rajeynayo in Maalinta Axadda ah ee soo socota ay dadku si caadi ah u istcimaalaan Qadka uuna u Shaqeyn doono.
Waxaa la weeydiiyay su’aal aheyd hadal haynta Bulshada oo aheyd sababta uu Qadka u maqan yahay in ay tahay deymo lagu yeeshay shirkaddaha keena Soomaaliya Qadka Internet-ka ayaa waxa uu sheegay in Warkaas uu yahay mid been ah islamarkaana hadda uu socdo qorshe lagu hagaajinayo Internet-ka.
wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in markabkii jaray internet-ka gacanta lagu hayo xeer ilaalintuna ay go’aan ka gaari doonto.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka