Xildhibaanadii horay u sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa hataan waxa ay Magaalada Cadaado ku leeyihiin kulan xasaasi ah kaas oo looga hadlayo sidii ay u dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Farxiyo Cabdullaahi Sheekhdoon oo ka mid h Xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Dalsan u sheegtay in Gudigii doorashada ee shalay lagu dhawaaqay ay Maanta dooran doonaan Guddoonka gudigaas.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in intaasi kadib laguda geli doono sidii loo shaacin lahaa Waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug,iyada oo raja wanagsan ka muujisay in sidii loogu talo galay ay doorashadaas ku dhacdo.
Kulanka ayaa weli ka socda Cadaado, waxana wixii ka soo baxa aan didinku soo gudbin doonaa radiodalsan.com