Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal beeleedyo ay ka socdeen qeybo ka mid ah Xadka u dhaxeeya gobolada hiiraan iyo Galgaduud gaar ahaan deegaanka Baanyaaley oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan,dagaalkas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay  iyo dad Shacab ah halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.
Waxaa xiligan socda waan waan ay wadaan waxgaradka gobolada hiiraan iyo Galgaduud iyo sidoo kale masuuliyiin ka kala soca Maamulada hir-Shabeelle iyo Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo xubno ka kala socda ay gaareen deegaanka Baanyaaley oo labada Maleeshiyo beeled ay weli iskuhor fadhiyaan.
Nabadoon Cali Jimcaale oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Galgaduud kana mid ah Waxgaradka waan waantaas wada ayaa Sharaxaad ka bixinaya qaabka ay wax u socdaan iyo wafdiga gaaray halkaas.
Nabadoonka ayaa waxaa Wareystay Wariye Cabudqaadir Jakaarta