Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada guud ee Ciidamada ku sugan degmadaas iyo howlgallo ay ka sameeyeen tuuloyinka hoostaga degmadaas.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ee Jalalaqsi ku sugan aysan heysan qalab iyo niyada ay ku dagaalamaan isla markaan mudo dhowr bil ah aysan qaadan wax mushaar ah.
Waxa uu sheegay in sidoo kale iyada oo taasi jirto ay weli Ciidamadu wadaan howlgallo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyaga oo doonaya in ay ka saaraan deegaanada ay maamulayaan.
Waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ciidamadaas ay la soo gaaraan Agab iyo waliba mushaar si ay fursad u noqoto in ay ka qeyb galaan xureynta tuulooyinka hoostaga degmad Jalalaqsi.
Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab iyada oo masuuliyiinta degmadaas ay dhowr mar ku cel celiyeen in ay go’doonka ka qaadi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Wrbixin uu Baladweyne ka soo diray Wariyaheena Axmed dirir Ruur.