Shalay Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay gebi ahaanba qalad ku tilmaameen dhiibistii Xukuumadda ee Cabdi Kariim Muuse Qalbi  Dhagax ay ugu wareejiyeen Dowladda Itoobiya waxaana arrintaasi ka hadlay Madaxda Ururka ONLF oo uu ka tirsanaa.
Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay aheyd mid leysla wada ogaa isla markaana ay masuul ka ahaayeen Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya isla markaana ay aad uga xumaadeen.
Waxa uu ku taageeray Go’aankii ay qaateen Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in ay qalad aheyd dhiibistas iyo in Warqad loo diro Dowladda Itoobiya si ay dib ugu soo celiso Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.
Cadaani Hirmooge Afhayeenka Jabhada ONLF waxaa kaloo sheegay in iyagu aysan marnaba aqbaleyn in dadka soomaaliyeed la dhibaateeyo isla markaana xurriyada laga qaado sida uu hadalka u dhigay.
Dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax ayaa  waxa ay aheyd mid dhabarjab weyn ku noqotay Dowladda Soomaaliya kadib culeysyo kaga imaanayay xildhibaanada Siyaasyiyiin iyo Shacabka intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka ONLF Cadaadi Hirmooge.