Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay shirka Wasiiradda Arrimaha dibada Dalalka ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta iyo dacwadii dowladda Soomaaliya u gudbisay.
Safiirka ayaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya uu gudbiyay dacwad ah in heshiiskii dekada Berbera maadaama aan lagala tashan dowladda,iyada oo uu Imaaraadka booqasho ku joogay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre isla markaana dacwadaas laga aqbalay.
Waxa uu sheegay in shirkii Wadamada Jaamacadda Carabta qodobadii looga hadlayay lagu daray heshiiskaas,iyada oo qodobadii shirkaas Khamiistii shalay laga soo saaray uu qeyb ka ahaa dowladda Soomaaliyana ay ku qanacday.
Maamulka Soomaaliyeed ee Soomaaliland maamulana Gobalada waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis horumarineed la galay Dowladda Itoobiya iyo shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Dalka imaaraadka hasa-yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay heshiiskaas iyadoona tilmaantay inaan lagala tashan Maalgashiga Dekedda Magaalada Berbera.
Hoos Ka Dhageyso Codka Safiirka  Soomaaliya ee Dalka Cumaan.