Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen Kolonyo galbinaysay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusman oo ku sii Jeeday Degmada Maxaas ee gobolkaas.
Ciidamadaan uu weerarka qabsaday ayaa waxa ay ka mid yihiin Guutada 52,aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee uu taliyaha u yahay Col,Axmed Maxamed Tareedisho.
Waxa uu sheegay taliyaha in Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday ay iska difaaceen isla markaana ay ka dileen ilaa 12 Askari sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Tliye Tareedishe.
4