Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Cali Barre xirsi Cali Gaab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay bilaabeen howlgal ka dhan ah gaadiidka la dhigo wadada dhinaceed, gaar ahaan tan Maka-almukarama, xili guddoomiyha gobolka uu xalay soo saaray wareegtu lagu mamnuucay in gaadidka lagu baakimo wadadaasi.
Cali Gaab ayaa tilmaamay iyagoo fulinaya amarka duqa Muqdisho inay bilaabeen howlgal ay uga hortagayaan gaadiidka la dhigo wadada Maka-almukarama, waxaana uu warbaahinta kula hadlay wadadaas, isagoo ku jira fulinta amarkii guddoomiye Taabid .
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.