Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa soo ifbaxay Warar sheegayay in la jirdilay kadibna xabsiga la dhigay Wariye Iqro Cabdullaahi Raage(Iqro ladan) oo ah Wakiilka Tv-ga Somali Cable ee Magaalada Jowhar.
Dalsan ayaa Caawa xiriir la sameysay Wariyaha si loo xaqiijiya Warkaas,waxana iyada oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Jowhar ay sheegtay in Maanta la jirdilay kadibna Xabsiga la dhigay wallow markii dambe lasiidaayay.
Waxa ay sheegtay in iyada oo ku guda jirtay howlaheedii Shaqo ay u yimaadeen laba ka mid ah askarta dowladda kana dalbadeen in ay la soo baxdo Aqoonsigeeda balse iyada ay u sheegtay in ay tahay qof muwaadin ah isla markaana u baahneyn wax aqoonsi ah.
Sidoo kale wax ay sheegtay in durbadiiba ay jirdileen laba ka mid ah Askarta kadibna ay geeyeen Saldhigga.
Waxa ay hadalkeeda intaasi raacisay in silamid ah taliyaha Saldhigga Johwar Maxamed Siyaad Cali Canjeex uu isna jirdil u geystay kadibna Xbsiga uu dhigay taas oo keentay in ehelkeeda ay dhibkii dhacay ku soo baxaan sidaasna ay Xabsiga uga soo daayeen.
Ugu dambeyn waxa ay hadalkeeda intaasi raacisay in sidoo kale taliyuhu uu u hanjabay Wariyayaasha ka howlgalla Jowhar.
Marka laga soo tago hadalka Wariye Iqro ayaa hadana Baraha ay Bulshadu isticmaasho ayaa waxa lagu soo bandhigayay Sawiro laga soo qaaday,iyada oo uu ka muuqdo jirdil xooggan.
W/Qoray Cabduqaadir Jakaarta
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Iqro Ladan oo dhameystiran.
Audio Player