Taliyaha Saldhiga Degmada Guricel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali hudeey ayaa si kulul uga hadlay xarig loogu geystay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan xili ay halkaasi tageen.
Ciise iyo Saraakiil kale oo la socotay ayaa Warar soo baxayay shalay waxa ay sheegeen in Baladweyne lagu xiray,waxaana taliyuhu uu sheegay in xarigaas uu masuul ka ahaa gudoomiyaha Gobolka Hiiran.
Waxa uu sheegay in markii ay tageen Baladweyne uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan u sheegay in ay xiran yihiin taas oo wax lala yaabay ay aheyd iyada oo aan la ogeyn waxa sababay arrintaas.
Ugu dabmeyn waxa uu sheegay in Saraakiil kale oo horay Baladweyn e ugu soo dhaweysay ay ammaankooda sugeen kuwaas oo markii dambe sinabad ah ku keenay degmada Matabaan ee isla Gobolka Hiiraan.
Weli wax jawaab ah kama bixin gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan eedeyntan uu u jeediyay taliyaha Saldhiga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Hoos Ka Dhageyso Warbixin ay Dhuusa mareeb ka soo dirtay Wariyaheena Maryan Cali MireÂ