Taliska Nabad-Sugida Maamulka Jubbaland ayaa Shacabka Magaalada kismaayo uga digay in ay tagaan goobaha ay Bulshada isugu timaado halkaas oo mararka qaar ay qaraxyo ka dhacaan.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad-Sugida Maamulka Jubbaland Axmed Cabdullaahi Ciise,ayaa sheegay in qaraxii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Kismaayo uusan khasaaro weyn geysan islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo Shacab ahaa.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo in ay iska ilaaliyaan in ay tagaan Goobaha dadka ay isugu yimaadaan sida Maqaayadaha iyada oo laga yaabo in ay ka dhacaan qaraxyo ismiidaamin ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliye Ku Xigeenka