Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo maanta shir jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa uga warbixisay Howlgalada ka socda Muqdisho, kuwaasi oo lagu sugayo Ammaanka Caasimada.
Waxa ay sheegtay Zakia Xuseen in Ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen deegaanka Weeydoow gaar ahaan dhinaca Wadada laamiga ah ee duleedka Muqdisho.
Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa waxa ay sheegtay in Magaalada Muqdisho uu soo galay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,kaasi noociisu yahay midka ay Soomaalilada u taqaano Brado,isla markaana digniin u dirtay dadka wata gaadiida nooca raaxada ah.
Sidoo kale Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayay ugu baaqay inay ka feejignaadaan gaarigaas,iyadoona ka codsatay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya.
Hadalka Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa waxaa ku soo aadayaa iyadoo Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ay xiran yihiin,isla markaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Magaalada.
 Hoos ka Dhageyso Codka Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.
Â