Taliska Booliska degmada Afgooye ee gobolka Sabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax ismiidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha degmadaas.
Qaraxa oo ahaa mid gaari loo adegsaday ayaa waxaa lagu weeraray Saldhig ay Ciidmo ka tirsan kuwa dowladda gaar ahaan ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka ku leeyihiin Buundada Afgooye.
Taliyaha Saldhiga Afgooye Cabduqaadir Mursal Nuunow oo wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay Xarun Buunada Afgooye ay ku leeyihiin  Ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka banaankeeda,isla markaana ay ku dhaawacmeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya balse uusan jirin khasaaro kale.
Waxa uu beeniyay in rag hubeysan ay galeen Gudaha Xarunta balse uu sheegay in ciidamada dowladda ay banaanka ku fashiliyeen gaariga qarxay sida uu hadalka u dhigay.
Xaalada Goobtii uu qaraxa ka dhacay ee degmada Afgooye ayaa haatan ah mid degan,iyada oo isu-socodka dadka iyo Gaadiidka ay sicaadi ah ku soo laabteen.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Saldhiga Afgooye.