Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangooli) taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ee Maamulk Puntland ayaa ka hadlay sababtii loo xiray Siyaasiyiinta ka soo jeda Mamulkaas ee shalay gelinkii dambe lagu xiray Magaalada Garoowe.
Taliyaha ayaa sheegay in Siyaasiyintaan ayaa yihiin kuwo ku xadgudbay Dastuurka Puntland isla markaana sameeyay fal lagu kicinayay Shacabka Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Dadkan ay samesteen Madal ay ugu magic dareen badbaadinta Puntland, balse ay Puntland kala dambeyn ka jirto sidaas darteedna loo baahnaa hadii ay wax dhisanayaan in ay u gudbiyaan guddiga doorashooyinka kuwaas oo qaabilsan diiwaangelinta Xisbiyada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal