Wasiirka Maaliyadda Maamulka Soomaaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sheegay in waxkasta oo horumar ah ay marka hore ka farcamaan in Nabad la helo,si deegaan walba loo gaarsiiyo horumarka.
Waxa uu sheegay in xilligaan lagu jiro aysan suurtagal aheyn in dadka Sarkhaansan ay u taliyaan,iyaga oo tegaya deegaano kale sida Maamulka puntland.
“Suurtagal maahan in qarniga 21.aad ee lagu jiro in ay inoo taliyaan dad sarkhaansan ama Khamriyo cab ah in ay noo taliyaan ayna dhahaan Maamul goboleedka Puntland aayan tageynaa Soomaaliland ayaana soo weerareynaa ayuu yiri Wasiir Yuusuf.
Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay tahay mid cirka isku-sii shareereysa,waxana mararka qaar deegaanka Tukaraq ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan labada dhinac.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliland.