Maamulka Soomaliland ayaa weli walac ka muujinaya Go’aankii dowladda Federalka Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii Maamulkas uu dekada Berbera kula galay Shirkada DP World iyo Dowladda Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay dowlad Madax banaan oo ciddii ay doonaan heshiis la geli kara iyada oo aan wadatashi sameyn.
Waxa uu sheegay in ay la socdan warqadii dacwada aheyd oo ay Wadamada Jaamacadda Carabta u gudbisay dowladda Soomaaliya iyana warqad tas la mid ah ay gudbin doonaan.
Xiisadii ka dhalatay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dekada Berbera aya isku sii shareertay,waxaan taasi dhalisay in khilaafkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federalka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu kordho.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxa ay dacwad uga gudbisay Dowladda Imaaraadka Carabta ,tas oo ku saabsan heshiiskii dekada Magaalada berbera,waxana tasi ku tageeray wadamada Jaamacadda Carabta.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire.