Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Maamulka Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha wadahadaladii uu Maamulka Soomaaliland la yeelan lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,balse la sheegay in dib loo dhigay.
Sacad Cali shire Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in duruufa jira aawgeed in waqtigaan uusan Maamulka Soomaaliland diyaar u aheyn wadahadalo uu la galo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in xiligaan dhowr sababood uusan cadeyn loo hakiyay wadahadaladaas mudo bil ah wixii ka dambeeyana ay Go’aan kale gaari doonaan sida uu hadalka u dhigay.
Weli Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin warkaan Maanta ka soo baxay Maamulka Soomaaliland oo ah in ay hakiyeen wadahadaladii ay la yeelan laahayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya
Tallaabadaan uu ku dhaqaaqay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dhex maray Dowladda Itoobiya Shirkada DP World ee laga leeyahay imaaradka Carabta iyo Maamulka Soomaaliland kaas oo ku saabsan Dekada Berbera balse dowladda soomaaliya ay sharcidarro ku tilmaamtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arimaha Dibada Maamulka Soomaaliland.