Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Berbera ayaa Maanta booqday Keydka haamaha ee Dekada  Berbera,waxaana Guddigu ay sheegeen in
Guddiga ayaa waxaa hogagaminayay xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah Guddigaas,waxa uuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu saami ku leeyahay Shirkada  laga kireeyey Keydka Haamaha shidaalka Dekada Berbera ee Berbera oil Group.
“waxaa noosoo baxday in ay khatar ku jirto hamaha shidaalka Berbero,waayo waxaa jiro cadaw ka faa’iideysanayo Shirkadan ku buhoobay halkaan oo intooda badan laheynba cida leh ayna diideen in ay sheegaan Berbera Oil Group,waxan xaqiiqsanay in ra’iisul Wasaaraha Soomaliya uu qeyb ku leeyahay ayuu yiri Xildhibaanka.
Marka laa soo tago Warka ka soo baxay Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland,majirto cid sirasmi ah u xaqiijisay Saamiga la sheegay in shirkadaas uu ku leeyahay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horay Saami ugu lahaa Shirkadda Som oil and Gas balse markii Ra’iisul Wasaare loo Magacabay uu kala baxay Saamigii uu ku lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka.