Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay xil iska saarayan sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga deegaanada kala duwan ee Maamulkaas kadib howlgallo ay ka sameeynayeen deegaano badan oo ka mid ah Soomaaliland.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska  Soomaaliland Feysal xiis Cilmi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidanka mar walba ay diyaar u yihiin xasilinta amniga deegaanada Maamulkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay baaritaan ku hayaan kadib markii ay gacanta isula tageen laba ka mid ah Masuuliyiinta laba Xisbi Siyaasadeed oo ka jira Soomaaliland.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Saxaafda ka howlgasha deegaanada Soomaaliland in ay iska hubiyaan wararka ay baahinaayan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland