Waxaa Magaalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland lagu xiray Sheekh Cabdiraxmaan Xaaji oo loo yaqaano (Xaaji Dabcasir) kaas oo Caanka ah Baraha ay Bulshada isticmaasho.
Dalka Mareykanka uu uu mudo ku noolaa ayuu dhawaan ka yimid,waxaana lagu yaqaanay in uu yahay Nin Sheekh ah isla markaana inta badan soogala facebook live dadkana ay siweyn u yaqaanaan.
Isaga oo ku jira Facebook live ayaa la arakayay in ay ku dhegan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland,waxana saacado kadib soo baxday in Sheekh Xaaji Dabcasir ay Ciidamada Soomaaliland jirdileen kadibna xireen.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Maamulka Soomaaliland Feysal Xiis Cilmi ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay xariga Sheekh Dabcasir isaga oo sheegay in loo heysto falal la xiriira duminta Qaranka Soomaaliland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in iminka ay ku hayaan baaritaano dhawaana Sheekh Dabcasir Maxkamad lahor keeni doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhyeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland.