Kadib markii dhawaan doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhacday Soomaaliland ayaa xukuumada waqtigeedu uu sii dhaamaanayo ay soo saartay Go,aano lagu ilaalinayo hantida dawlada.
Hanti Dhowraha  Guud ee Soomaaliland Mudane Siciid Saleebaan Mire ayaa sheegay inaysan laga bilaabo Doorashadii Soomaaliland ka dhacday wixii hanti ah oo dawladu leedahay ee la qaatay ama la iibsaday aysan waxba ka jirin lana soo celin doono.
Siciid Saleebaan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inaysan jirin cid iibin karta hanti ay dawladu leedahay taas oo u badan dhulalka dad weynaha ee dawladu ay maamusho waxaana sidoo kale uu ka hadlay Gadiidka dawlada ee xiligan ciladaysan wuxuuna amar ku bixiyey in lasoo xareeyo dhamaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Hanti Dhowraha  Guud ee Soomaaliland.