Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Siyasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland ee taga Muqdisho dowladda Soomaliyana xilal ka qabta hadii ay cafis dalbadaan loo ogolaado in la cafiyo maadaama dambiyada ay galeen ay ka soo laabteen siada uu hadalka u dhigay.
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada hargeysa ayaa beeniyay warar sheegayay in Hargeysa ay tageen siyaasiyiin Soomaliyeed,waxa uuna sheegay in hadii ay tagaan in dib loogu soo celin doono.
“in la s oo qabto mooyaane ninkii halkaa ka yimaada ee reer Soomaaliya inaan dib u celino mooyaane,majirto kuwo hargeysa yimid,isakadaaye Soomaaliya kuwa reer soomaaliland ee muqdisho taga ayaaba dambiile ah, marka turkiga waan ku kulmi jirnay balse majirto siyaasi soomaaliyeed oo hargeysa yimid ayuu yiri Wasiiru dowlahaâ€
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiro dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland