Jaaliyada Soomaalida Mareykanka ayaa  lacagaasi iska soo uruuriyay,waxaana Sabtidii Maanta ay soo gaarsiiyay qaar kamid ah ehelada dadkii ku geeriyooday Weerarkii 14-Oct ka dhacay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ,Zakari Xaaji Maxamuud Cabdi,Sidiiq Warfaa iyo Xildhibaan Sacdiyo Xaaji,boqol Qoys oo ay mashaqadaas dadkooda kaga geeriyoodeen ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay Maanta 400-Dollar.
Axmed Bashiir gudoomiye kuxigeenka Gudiga lacgtaas loo soo wakiishay ayaa madasha ku faah faahiyay Qorsha ay ku wajahayaan bixinta lacagtan iyo tirada guud lacagta maanta la bixiyay.
Maxamuud Xasan hayl gudoomiyaha Guddiga Jaaliyada Soomaalida Mareykanka ayaa kahadlay lacagta guud ee laga soo ururiyay Xaafadaha Soomaalidu ay degan yihiin ee Mareykanka waxaana uu sheegay in lacagtaas la gaarsiiyay meelo Soomaali ka baxsan sida Suudaan oo lagu daweynayo Dhaawacyadii Zoobe iyo Ehelada Shaqsiyaad waxyeelo soo gaartay .
Xildhibaan.Zakari Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay talaabada Soomaalida ay hadda isku garab taagan yihiin.
Gudiga matalaya Jaaliyada Soomaalida Mareykanka ayaa qorsheeyay in todobaadkan gudihiisa ay lacago gaarsiiyaan Caruurta ku agoontoobay Weerarkii Zoobe ka dhacay 14 Bishii Octoper ee Snadkaan.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Kana Daawo Sawirrada.