Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka mareykanka ayaa la doonayay in dalka soomaaliya loo soo musaafuriyo 2,adii Bisahan laakin waxaa safarkooda hakiyay Xaakim Mareykan ah.
Dadkan ayaa waxa ay ku jireen Xabsi ku yaalla Gudaha Mareykanka gaar ahaan Gobolka Texas kuwaas oo qorshuhu ahaa in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo laakin haatan hakad la geliyay sida uu sheegay Maxamuud Muuse Xasan oo ka mid ah dadka u ololeeya in aan la celin dadka magangalyo doonka ah.
Maxamuud ayaa sheegay in Xaakimka dadkaan hakiyay safarkooda uu ku dooday in dalkooda Soomaaliya waqtigaan uusan ka jirin amni buuxa oo la’isku halenkaro iyo in kuwii horay loo musaafuriyay oo badankood ay Kenya u soo laabteen.
In kastoo dadka Xabsiga Gobolka Texas ku xiran aysan Soomaali kaliya aheyn ayaa waxaa kula jira dad u dhashay wadamada South Sudan iyo Gambian laakin haatan u muuqato in la hakiyay in dalalkoda lagu celiyo.
Dadka soomaaliyeed ee la doonayay in la soo musaafuriyo ayaa waxa ay gaarayeen ilaa 54,waxaana Maxamuud Muuse Xasan oo ka mid ah dadka u ololeeya in aan la celin dadka magangalyo doonka ah uu sheegay in dadkaan Soomaaliyeed ay sharci ahaan u heystaan hadii ay dhibsadaan Xabsiga in ay dalban karaan in dalkooda lagu celiyo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii la doortay waxa auu ku dhawaaqay in dalka Mareykanka laga musaafurinayo dadka u dhashay 7 dal oo Muslimiin ah oo ay Soomaali ku jirto qaarkoodna la soo celiyay halka kuwo kale ay ka welwelsan yihiin in dalka lagu soo celiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamuud Xasan.