Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in ay xiriirka u jartay dalka dhaca galbeedka qaaradda Africa ee Guinea kadib markii sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somalia ay ku xad gudubtay madaxbanaanida Somaliya.
Go’aankaas oo ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gaaray Guinea loogu sameeyay hab maamuus heer sare ah oo a mid ah kan madaxda dalalka kale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliya Axmed Ciise Cawod ayaa la weydiiyay waxa ay Somalia ugu kala duwanyihiin Guinea iyo Kenya maadaama Kenya ay sameynayso dhaq-dhaqaaqyo ka badan tan dalka kale ee xiriirka loo jaray.
Axmed Ciise Cwod ayaa tilmaamay in ay Kenya tahay dal deris ah oo wax is dhaafsi badan nagala dhexeeyo sidaas ayuu tilmaamay in Somalia ay u muujinayso dulqaad.
Arrinta kiiska badda ee sheegashada Kenya ee badda Somaliya oo wax laga weydiiyay ayuu tilmaamay in go’aankaas uu u yaallo maxkamadda calamiga ah ee ICJ.
Halkaan Ka Dhageyso Codka WasiirkaÂ