Maamulka degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada guud ee degmadaas, ee dhanka amniga,horumarka iyo waliba baahiyaha guud ee xiligan degmadaas ka maqan.
Muuse Maxamed gudoomiyaha degmada Cadalle ayaa waxa uu sheegay in degmadu ay soo martay xaalado kala duwan oo amniga ah, goobo waxbarasho aysan laheyn Caafimaadka hal xarun oo kaliya ay ku taalo, sidoo kalena abaartii dalka ka dhacday ay saameeysay.
Dhanka kale gudoomiye Muuse ayaa soo hadal qaaday Odayaashii ku howlanaa xalinta dagaal beeledyadii horay uga dhacay degmada Cadalle ee Jowhar lagu xir xiray iyo wadahadalada lagu dhameynayo siideynta Odayaashaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhinacyo badan ka hadlaya.