Wasiirka Boostada  Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay caqabada keentay in mudada dhowrka Maalina ah uu Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka maqnaado Qadka Internet-ka
Wasiir Cabdi Canshuur ayaa sheegay in markii uu Go’ay Internet-ka loo heli waayay xalkale oo ku aadan in sifudud looga gudbo in la helo qad Internet taasina ay ugu wacan tahay in shirkadaha keena Internet-ka oo an heysan qalab kale oo Si KMG, ah u isticmaalaan.
Waxa uu sheegay in ay mamnuuc tahay in shirkad aan heysan xalka hadii uu ka ciladoobo Qalabka ay ku Shaqeynayaan  in dalka ay ka mamnuuc tahay in ay ka Shaqeyso balse Shirkaduhu ay ka faa’iideesteen sharciga Isgaarsiinta dalka oo aan waqtigaan jirin.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlaamnka Soomaaliya ay dhawaan ansixiyaan Sharciga Isg aarsiinta si loogu Shaqeeyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka