Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay si wadajir ah u qaadaceen ka qeybgalka shirweynaha.
Wasaarrada dastuurka ayaa dib u eegista ku macnaysay sababo farsamo darteed.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, madaxa guddiga dib-u-eegista baarlamaanka Somalia oo akhriyay war-murtiyeedka labada guddi ayaa ku eedeeyay wasaaradda dastuurka inay faramaroosatay awoodda iyo geeddi-socodka dib u eegista dastuurka.
Dhinaca kale waxaa jiray dhamaan Wasaaradaha Dastuurka Maamul goboleedyada oo iyana dhankooda sheegay in aysan marnaba shirkaasi ka qeyb galeyn taas oo ugu dambeyn sabab u noqotay in uu shirkaasi baaqdo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Qeydiid
Audio Player