Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta la filaya in uu ka furmo shir looga hadlayo amnig Gobolka Muudg kas oo ay ka qeybgeli doonaan Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo madax ka scota puntland iyo Galmudug.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgeli doona dad kor u dhaafaya ilaa 200 oo ruux,waxaan Goobjoog ka noqon doonaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey, iyo xildhibaano iyo Wasiiro labada dhinac ah.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa sheegay in uu dareemayo in dhibaatadii ka dhacday gobolka Mudug in ay dadku si aad ah u dhibtay, waxa uuna ugu baaqay Shacabka labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland