Sadax Maalin ayuu Socday Shir Weynaha Qaran Ee Siyaasada Sugnaanta Cunada Iyo Hormarinta Beeraha Waxaa lagu lafa Guray shirkaas hormarinta Waraabka Iyo Joogteynta tayada wax soo saarka Beeraha Soomaaliya.
Wasaarada Beeraha Soomaliya ayaa laheyd qaban qaabada Shirka Wasiirada Beeraha Dowlad Goboleedyada Haya’add Beeraha Aduunka Ee (FAO)Â Xeeldheerayaal Waraabka Iyo Beeraha wax ka yaqaan iyo Madax Kale ayaa Goobjoog ka Ahaa mudada Shirka uu Socday.
Warsaxafaadeed ayaa laga soo saaray shirkaas kadib markii ay heshiis kala saxiixdeen Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wsaaradaha beeraha dowlada goboleedyada.
Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Wasaaradu ay xooga saareyso Xaalada Badbaadada Cunta iyo iyo qiimeynta Sugnaanta iyo xakameynta Gaajada.
Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray Wasiirka in la diyaariyay qorshe looga hor tagayo abaaraha soo laab laabtay ee hore uga dhacay Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Beeraha Soomaaliya.