Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa eedeymo kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya isaga sheegay in ay diidanyihii nadaamka Fedraalka.
Sheekh Shariif ayaa isweydiiyay cidda hogaaminaysa dalka maadaama sida uu sheegay madaxda dalku ay ku tmanayaan Sharciga iyo waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay ka mid tahay Nadaamka Fedraalka oo dalku qaatay.
Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ay ku heshiiyeen nadaamkaan hase yeeshee waxa uu cadeeyay in ku dhaqankiisa iyo hirgelintiisa ay ku adagtahay dowladda.
Ugu dambeyntii waxa uuugu baaqay madaxda dowladda in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danaha dalka,Dhinaca kalana waxa uu shaki geliyaya wadashaqeynta dowladda iyo maamul Gobaleedyada uu uu sheegay in ay soo dhaweeyeen doorashadiisii haatan aysan isku wanaagsanayn.
Halkaan Ka Dhageyso Codka