Sheekh Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay qorshaha la doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Waxa uu sheegay in la doonayo in inta aan la gaarin doorashada qof iyo cod in dalka oo dhan loo baahan yahay in laga saaro Al-Shabaab.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay  in Xoreynta dalka ay tahay mid muhiim ah isla markaana looga baahan yahay Shacab iyo dowladba in ay u mudoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga sameeynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Tiro ka dhowr jeer ayuu ku celceliyay Sheekh Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse weli macada qorsho cad oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Marka laga soo tago Soomaaliya inteeda kale weli qeybo badan oo ka mid ah deegaanada Galmudug waxaa Gacanta ku haya Al-Shabaab kuwaas oo qaarkood weerara fariisinka Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir.