Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay kufsigii Foosha xumaa iyo dilkii Waqooyi Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug loogu geystay Caaisha Ilyaas Aadan.
Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhacdadaasi ay tahay wax qof kasta oo Muslim ah uu ka naxo,isla markaana arrintaasi ay Buslahda Soomaaliyeed ay saameyn weyn ku reebtay.
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa tilmaamay in dadkii sameeyay falkaasi foosha xumaa aan lagu tilmaami karin dad heysta jinsiyadda Soomaaliga,hayeeshee kufsigaas uu ahaa mid Islaanimada iyo bani’aadanimada ka baxsan oo aad u fool xun.
Sidoo kale waxa uu tacsi u diray Ehelada Marxuumad Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar jirtay 12-sano,taasi oo si xun loogu dilay Waqooyi Magaalada Gaalkacyo ,isla markaana loogu daray fal kufsi ah.
Hoos ka Dhageyso Codka Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.