Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Shariif Xasan sheekh Aadan oo Maanta Saxafada kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka hadlay dagaalada saacadihii la soo dhaafay ka dahacay qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose.
Shariif Xasan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka loo geestay dadka Shacabka ah ee ku nool Tuulooyin hoostaga degmada lambar Konton kuwaas oo Guryahooda ay Gubeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab uuna cambaareynayo sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dhacdooyinkii ka dhacay dagaalkii ka dhacay deegaano hoostaga degmada lambar konton.
Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah tuulooyin badan lagu gubay waxa uu ka dhacay tuulooyin hoostagaรย degmada lambar konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda Somaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Codka