Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ugu baaqay dhamaan madaxda kale ee Maamul goboleedyada in ay shirka ka furmaya kismayo ka soo qeybgalaan.
Waxa uu sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga hadlayo danaha Ummadda Soomaaliyeed sidaas darteedna loo baahan yahay in Madaxda Mamul Goboleedyada ay ka soo qeybgalaan.
Shariif Xasan oo dhawaan ka soo laabtay dalka Dibadiisa ayaa shalay kismaayo tegay, waxaana sidoo kale la filayaa in Maanta Kismaayo ay tagaan Masuuliyiinta Maamulada Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Shariif Xasan.