Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Xaar xaar ee Gobolka Mudug lagu arkay Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka mid ah haraadiga waxyaabaha qarxa oo ay siticmaali jireen Ciidamada Ruushka.
Shacab farabadan oo ka mid ah kuwa deegaanka Xar xaar oo in dhahooda ku arkay Miinadaan aya walwal ka muujiyay dhacdooyinka noocaan oo kale ah iyo sidii looga hortegi karo.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaar Xaar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan haraadida Miinooyink isla markaana uu ka dalbaday maamulka Galmudug in ay dhulka baaraan kana saaraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qof ka mid ah dadka deegaanka.
Audio Player