Qaar ka mid ah Shacabka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay cabasho ay ka qabaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka Amisom ee ku sugan Gudaha degmadaas.
Shacabkaas qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Jabuuti ay sibareer ah ay u dileen in ka badan 10 Ruux dhacdadii u dambeysayna ay maalin kahor ka dhacday Gudaha degmadaasi Jalalaqi sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay sheegeen iyagu aysan aheyn dad diidan Nabada,islamarkaana Ciidamada Jabuuti xiligii ay soo galayeen degmada Jalalaqsi ay ahaayeen kuwo u Sacab tumayay balse haatan ay xumaan ugu bedeleen.
Waxa ay ugu baaqeen Madaxda ugu sareysa dalka in ay arintaas oo ah mid soo laab laabatay ay wax ka qabtaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Shacabka
Audio Player