Cabasha ballaaran ayaa ka soo yeertay qaar kamid ah Shacabka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe taas oo ku aadan in ay sheegeen in laga musuq maasuqay raashin gaar gaar ah oo loogu talo galay dadka ku nool tuulooyinka degmada Cadale.
Qof kamid ah Shacabka degamda Cadale oo la soo xiriiray Idaacadda Dalsan ee Magaalada muqdisho ayaa waxa uu shegay in deqdaas ay musuq maasuqayaan masuuliyiinta degamda Cadale islamarkaana dad gaar ah la siinayo halka wixii soo harana ay suuqa geysanayaan sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka Naafada Degmada Cadale Khaliif Cabdulle Foodeey ayaa isna sheegay in ay jiraan lacago farabadan oo la soo aruuriyay oo gaareysay in ka abdan (Toban Kun) oo Dollar  taas oo la doonayay in dadka danta yar lagu caawiyo balse ay leexsadeen.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle iyo kan degmada Balcad in arintaan ay wax ka qabtaan islamarkan ay faraha la soo galaan.
Hoos Ka Dhageyso Codadka