Senoter ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa si kulul uga hadlay xaalada Amni ee waqtigaan dalka iyo dagaalada ku soo laab laabtay bilihii la soo dhaafay deegaano mudo dheer ka hor soo galay Gacanta dowladda.
Senoter Nuura Faarax Jaamac oo Caawa Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegtay in xaalada amnidarro ee dalka ka jirta ay tahay mid walwal badan laga qabo.
Waxa ay sheegtay in waqtiagan deegaano ay dowladdu Gacanta ku heysay mudo ka badan lix Sano in xiligaan Gacanta dowladda ay ka baxayaan.
“Waa nasiibdarro in dhulkii la qabtay mudo lixsano ah ka hor in waqtigaan ay amnidarro ay ka jirto ama dhibaato ka jirto waa wax lala yaabo,halkii horay loogu socon lahaa in dib loo soo noqdo waa musiibo,waana wax aan aad ula yaabanahay waana mid qaranjab ku ah Ummadda Soomaaliyeed ayay tiri Senoter Nuura faarax Jaamacâ€
Waxa ay waqtigaan u sababeysay waxyaabaha keenay in dhul ay dowladdu qabsatay mudo laga joogo lix sano ah in haatan Gacanta dowladda ay ka baxaan in aan weli la tayeyn Ciidamada Qaranka isla markaana la’isku haleeyay ciidamada AMISOM.
Ugu dambeyn waxa ay Madaxda Dowladda ugu baaqday in ay ka Shaqeeyaan sidii loo tayen lahaa Ciidamada Qranka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sonetar Nuura Faarax Jaamac