Barqanimadii Maanta ayaa Kooxo hubeysan oo wadatay Gari nooca raaxada ah waxa ay rasaas ku fureen Gaari kale oo uu lahaa Sanator xuseen Xaaji oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gaariga Xildhibaanka ayaa xiliga l weerarayay waxa uu marayay meel aan ka fogeyn Isbiatalka Masaarida oo ku yaala Isgoysyada Digfeer iyo Taleex ee degmada Hodan.
In kastoo uusan la socon Gaariga xildhibaanka ayaa hadana waxaa uu Radio Dalsan u sheegay in ay ku dhaawacmeen Gabar uu Adeer u yahay iyo Darawalkii Gariga, islamarkaana haatan uu baaritaan socdo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka