Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ahna Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay cida msuuliyada ka ah weerarkii hoygiisa lagu qaaday 30 Bishii December Sanadkii tegay ee 2017.
Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa waxa auu sheegay in ciidamadii soo weeraray Gurigiisa laga soo amray Xerada Janeraal Gorden oo ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta laguna doonayay in weerarkaas la igu dilo.
Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida soomaaliya,isla markaana la dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu Magacaabo Xidigle Siciid xuseen Xersi sidoo kalena argagax loo geystay Xaaskiisa iyo caruurtiisa.
Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare kheyre uga mahadceliyay sida deg dega aheyd oo ay uga jawaabeen weerarkaas xiligii Gurigiisa lagu qaaday.
Waxa uu sheegay in isagu uu ka hrtegay xiisad iyo kacdoon ka dhalan lahaa weerar lagu qaaday Hoygiisa,ilaa intasna uu ka warsugayay Hay’addaha baaritanka qaabilsan.’
Gaba gabadii waxa uu sheegay in mudo 33 Maalmood kadib ay nasiibdaro tahay in baaritaankii weerarkii Gurigiisa iyo Saraakiisha Imaaraadka iyo kuwa Nabad-Sugida ee ka dambeeyay aan weli wax natiijo ah ka soo bixin iyo tallaabo laga qaaday,waxana uuna ugu baaqay Xildhibaanada Aqal in ay gudi u saaran arrintaan iyo Qatar ku soo wajahan Soomaaliya iyo faragelin Shisheeye oo lagu hayo dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.