Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Baay ayaa shaaciyey in ay bilaabayaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Baay.
Abaanduulaha qeybta 60,aad ee CiidamadaXoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uu qorshohoodu uu yahay sidii ay u furi lahaayeen Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay abaanduulaha in ay jiaran meelo ay ku tuhmayaan oo bartil mameed u ah kaas oo uu sheegay in howlgalka laga fulin doono.
Shidhab ah uma sheegin waqtiga rasmiga ah oo uu howlgalkaas bilaaban doono,waxase jirtay in dhowr mar howlgal looga dhawaaqay gobolka Baay balse aan waxaba ka qabsoomin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha qeybta 60,aad ee CiidamadaXoogga dalka Soomaaliya.