Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Puntland kadib markii la gubay Gaari ay wateen.
Dadkan  ayaa waxaa lagu dilay deegaanka jeexdin,waxana taliska Booliiska Gobolka Mudug Puntland oo hadlay uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilak Saraakiishaan dad ka soo jeeda Maamulka Galmudug.
Ilaa iyo hada macada sababta loo dilay dadkaas iyo cida sida rasmiga ah uga dambeeysa marka laga soo tago hadalka  taliska Booliiska gobolka Mudug.
Deegaano hoostaga Magaalada Gaalkacyo e Gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ku wada dagaalama Maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wariyaheena Gobolka Mudug Saacid Abshir Cabdi ayaa faah faahin ka bixinaya dilka Saraakiishaan