La-Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu sheegay in uu maqlay warar sheegaya in Magaalada laga qorsheynayo in uu ka dhaco Banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.
Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlay Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Banaanbaxaas ka dhanka ah dowladda ay qaban qaabinayaan Siyaasiyiin uu ku sheegay inay Mucaarad ku yihiin dowladda,isla markaana waxa uu sheegy in marna aan la aqbali doonin in shacabka Soomaliyeed la dhibaateyo.
Isaga oo hadlaayay ayuu sheegay in Siyaasitiinta Mucaarad ku ah dowladda uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shirmaake oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta,kaasi oo xusay in uu qeyb ka yahay dadka abaabulaya Banaanbax ka dhacaya Muqdisho.
Ugu dambeyntii La-Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamayn in banaanbaxaas loo adeegsanayo dadka barakacyaasha ah ee kunool Muqdisho,isagoona sheegay in la siinayo lacago farabadan si dowladda uga soo horjeystaan,hayeeshee waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka joogaan arrimahaaas.
Hoos ka Dhageyso Codka La-Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle.