Maanta waxaa la filayay in kulanka Golaha Shacabka soomaaliya uu dib u bfurmo kadi fasixii ay ku maqnaayeen Xubnaha Baarlamaanka balse uu baaqday sabaabo la xiriira Kooram la’aan.
Kulanka Maanta ayaa looga hadli lahaa arrinta la xiriirta wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa masuuliyiinta Ururka ONLF, oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay dowladda Itoobiya.
Kulanka Baarlamanka ayaa Maanta baaqday sababo la xiriira Kooram l’aan, iyad oo xildhibanada inta badan ay soo xaadiri waayeen.
Xildhibaan Mahad Salad oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in jidadka Magaalada muqdisho laga xirtay,iyaga oo sidaas darteed u soo xaadiri waay kulanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Xarunta Golaha Shacabka sy sidoo kale diideenh in uu kulanka furmo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada kuwas oo diiday in la saxiixo warqada xadiritaanka sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Mahad Salaad
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa isna shegay in kulanka Baarlamaanka uu kooram la’aan u baaqday, isla markaana Xildhibaanadii soo xaadiri waayay lala xisaabtami doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Jawaari