Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Xubaha Golaha Wasiirada ee la socda waxa ay Maanta khasriga Madaxtooyada dalka Jabuuti kula kulmeen  Madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen xaaladihii u dambeeyey ee labada dal,iskaashiga walaalnimo ee ka dhaxeeya,iyada oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu madaxweyneGeele  uu uga warbixiyey xaalada Guud ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay kulankooda iskula soo hadal qaadeen heshiis labada dal ay dhawaan wada saxiixdeen iyo qodobo kale.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in marka hore uu Shacabka Reer Jabuuti uga mahad celiyey taageerada ay marwalba la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ,isla markaana uu u sheegay in dowaldda Soomaaliya ay mar walba diyaar ula tahay in ay kala Shaqeeyaan arrimaha dib-udhiska iyo Ganacsiga intabada.
Sidoo kale wax uu sheegay in ujeedka uu u tegay dalka Jabuuti ay tahay xoojinta xiriirka labada dal,dib-dhiska ciidamada Qaranka iyo sidoo kale sidii dowladda Jabuuti uga qeyb qaadan laheyd  maalgashiga hadda ka socdo dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.