Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed ay ku dhibaateysan yihiin meel kasto oo ay ka joogaan Dunida, islamarkaana uu xusay in lagu dulmiyo dalalka ay ku noolyihiin.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaalida lagu liido dalkasta oo ay ku nooshahay, islamarkaana loo baahanyahay in dadku ay soo ceshtaan sharaftooda, hormarka dalkoodana ay ka shaqeeyaan, si kor ugu qaadaan sumcada dalka iyo magaca Soomalinimo
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.