Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in loo baahanyahay in wasiiradu tusaale  noqdaan shacabka ee hogaaminayaan, islamarakaana muhiim ay tahay in golaha wasiiradu ay wada shaqeyn la yeeshaan qeybaha kala duwan ee Bulshada,si loo helo wada shaqeyn joogta ah oo dhexmarta xukuumada Cusub iyo shacabka.
Markale Ra’isul wasaare Kheyre waxaa uu ku celiyey baaqa ah inay soo gudbiyaan wasiirada cusub cadadka hantidooda gaarka ah, si hadhow isla xisaabtan uu u yimaado, silamarkaana looga fogaado arimaha l musuq iyo wax isdaba marin.
Horey ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu u sheegay inuu jiri doono markastaa isla xisaabtan dhab ah, xukuumadiisana ay ku dadaali doonto, sidii looga hortagi laha wax kasto oo dhibaato ku ah dadka iyo dalka.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.